Faah faahin weerar toos ah oo lagu qaaday ciidanka AMISOM

Hiiraan-RisaalFM- Wararka inaga soo gaaraya magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay weerar ku qaadeen Saldhig ay leeyihiin ciidamada Itoobiya ee ku sugan deegaanka Halgan ee gobolka Hiiraan.

Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in ilaa iyo hada la maqlayo qaraxyo iyo rasaas culus oo ka socda gudaha xeradan Halgan, iyadoo qaraxa la sheegay in uu u bilowday gaari laga soo buuxiyey waxyaabaha qarxa oo saldhiga lagu qaaday.

Ilaa iyo hada maamulka gobolka Hiiraan iyo Taliska ciidamada AMISOM kama aysan hadlin, waxaana xusid mudan in maalmihii u dambeeyey AMISOM ay gobolka Hiiraan ka wadeen howlgal culus oo Al-shabaab looga saarayey gobalka.

Wararka ayaa sheegaya in saldhiga la weeraray ay degan yihiin cutubyo kamid ah ciidamada dowladda Itoobiya ee ku sugan gobolkaas.