Soomaaliland oo walaac ka muujisay watqiga la qabanayo Wadahadaladda

Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliland Yaasiin Maxamuud xiir Faratoon ayaa sheegay in aysan jirin waqti loogu talagalay in lagu dhawaaqayo in uu bilaawdo wadahadalka dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Waxa uu sheegay in ay socdaan dadaalo lagu doonayo inay bilaawdaan wadahadaladaas ,haayeeshee aysan xilligaan jiran waqti ha ahaadaan Sanad ama bil loo qorsheeyey inay wadahadaasi furmaan.

Isaga oo la hadlayay Wargeyska Geeska ayaa waxa uu sheegay in iyagu ay doonayan in lasoo saaro waqtiga rasmiga ah ee la qabanayo wadahadalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Marka laga soo tago hadalka Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliland ayaa dhawaan Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi xilli uu ku sugnaa Imaaraadka waxa uu sheegay in 19-ka Bishaan wadahadalada lagu qabanayo dalka Chana.hayeeshee dowladda federaalka aysan weli ka hadlin.