Soomaliland ayaa ka hadashay heshiiskii ay Ankara ku gaareen madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, kaas oo meesha ka saaray is afgaradkii Soomaliland la saxiixday Abiy Axmed.
Xisbiga Muxaafadka Soomaaliland ee Wadani, ayaa ka hadlay waxyaabaha mudnaanta u ah ee ay qabanayaan 100-ka maalmood ee u horreysa muddo xileedkooda iyo sida ay u kala horeysiinayaan qorshahooda waxqabad ka ah.
Afhayeenka Xisbiga Wadani Maxamed Faraax Cabdi, ayaa ka hadlay aragtida xisbigooda ee ku aadan kulankii Ankara ku dhex maray Madaxweynaha Dawladda Federaalka ee Soomaaliya Xsan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
“Heshiiska ka dhacay Ankara waxba inagama khuseeyaan, waa labo dal, anaga waxaan nahay Somaliland, haddii ay heshiinayaan waa labo dal oo walaalo ah, in ay is raacaan oo heshiiyaan oo sheekeystaan waa iska caadi waxba nagama khuseeyaan” ayuu yiri Afhayeenka Xisbiga Wadani Maxamed Faraax Cabdi.
Dhinaca kale waxa uu ka hadlay moqifka ay xukuumaddu ka leedahay heshiiskii is-faham ee ay horay uwada galeen Somaliland iyo Itoobiya.
“MOU-ga Itoobiya anagu ma aynaan arag oo xukuumaddu hadda ayey talada la wareegtay, wan arki doonnaa, marka la arko ee la derso, haddii ay danta Somaliland ku jirto waa laga shaqeyn doonaa, haddii aysan danteenna kujirina laga shaqeyn mayo, marka waxaynu sugi doonnaa in aynu aragno kadib ayaan go’aan laga gaari doonaa” ayuu hadalkiisa ku sii daray Afhayeen u hadlay Wadani.



