Safiirka Soomaaliya ee Tanzania Mudane Maxamed Xasan Cabdi ayaa xaqiijiyay in Xabsiyadda dalkaasi laga soo daayay dad Soomaaliyeed oo ku dhibaateysnaa.
Waxaa uu sheegay in dadkaasi ay gaarayaan 20 qof, ayna ku jiraan 4 carruur ah.
Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa ku jiray xabsiyo ku yaalla Magaalooyinka Taanga iyo Lindi ee Dalka Tanzania.
Ka dib kulan uu safiirku la qaatay wasiirka arrimaha gudaha Tanzania Mwiguli Najambe iyo Xuseen Baashe oo ah xildhibaan reer Tanzania ah oo asalkiisu Soomaali yahay, ayaa lagu guuleystay in la sii daayo dadka soomaaliyeed oo ku xukunnaa xabsiyo u dhexeeya 3 bilood ilaa 3 sano.
Muwaadiniintan Soomaaliyeed ee laga sii daayay xabsiyada Tanzania ayaa la filayaa inay Berri Subax ama maanta soo gaaraan magaalada Muqdisho.


