Maamulka gobolka Shabeelaha Hoose ayaa xaqiijiyay in ay Al-Shabaab kala wareegeen degaano ku yaalla gobolka Shabeelaha Hoose ka dib howlgal ay halkaasi ka fuliyeen ciidamada dowladda Soomaaliya.
Guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa Maamulka Koonfur galbeed ay la wareegeen Deegaano badan oo hoostaga Degmada kuntawaaray ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
C/fitaax Cabdulle Yuusuf ayaa sheegay in deegaanada ay gacanta ku dhigeen Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ka dib dagaal ay la galeen dagaalyahanada Al-Shabaab ee halkaasi ku sugnaa.
Waxaa uu sheegay in uu jiro khasaare ka dhashay dagaalkaasi, isagoona sheegay in ay dileen xubno ka tirsan Al-Shabaab.
Maalmihii lasoo dhaafay ayaa gobolka Shabeelaha Hoose Al-Shabaab waxa ay ka wadeen Abaabul dagaal, waxaana ay la wareegeen degaano badan.


