Banaanbax ka socda Boosaaso

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi uu ka socdo banaanbax ballaaran.

Banaanbaxaan ayaa waxaa dhigaya dad kasoo horjeedo xirnaansha dekadda Boosaaso oo samayn ku yeeshay dhaqaalaha iyo nolosha bulshadda.

Waxaa sidoo kale Magaalada Boosaaso ka socdo kulamo ay kala duwan oo ay leeyihiin Waxgarad kasoo horjeedda xirnaansha Dekedda Magaalada Boosaaso.

Maalmihii lasoo dhaafay ayaa dadka Shacabka ah waxa ay cabasho xoogan ka muujinaayeen Xaaladda dekedda Magaalada Boosaaso ka dib markii lagu wareejiyay Shirkad Ajnabi ah.