Farmaajo oo shir guddoominaya wajiga labaad ee shirka ka socda Muqdisho

Muqdisho-RisaalaFM- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo) ayaa shir guddoominaya wajiga labaad ee shirka u dhaxeeya Madaxda Dowladda dhexe iyo kuwa Maamul Goboleedyada.

Shirkan oo ay ka qeyb galayaan Madaxda Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada ayaa waxaa looga hadlayaa xoojinta wada shaqeynta iyo xalinta arrimaha taagan ee labada dhinac, dardar gelinta Nabadgelyada iyo ciribtirka Argagixisada, Horumarinta hanaanka Federaaleynta dalka, Geedi socodka Doorashada hal qof iyo hal cod ah ee 2020 iyo arrimo kale.

Ilo ku dhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa Risaala u sheegay Madaxda in maanta ay si gaar ah uga doodi doonaan arrimaha amniga, kadib markii ururka Al-shabaab maalmihii dambe ay magaalada Muqdisho ka geysanayeen falal lidi ku ah amniga.

Gaba gabada shirkan ayaa waxaa la filayaa in la soo saaro war murtiyeed ay ku cad yihiin waxyaabaha ay ka wada hadleen Madaxda Dowladda dhexe iyo maamul Goboleedyada ee ka qeyb galaya shirkan.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Madaxweynaha Soomaaliya, Raiisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre, Madaxweynaha Puntland Cabdi Wali Maxamed Cali Gaas, Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadam, Madaxweynaha Hirshabelle Maxaned Cabdi Waare iyo Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Taabit Cabdi Maxamed.