Baydhabo-RisaalaFM- Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ku kala qeybsamay arrinta la xiriirta in xilligan Mooshin laga keeno Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.
Xildhibaano ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ayaa horey waxa ay u sheegeen in diyaariyeen Mooshin ka dhan ah Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed oo ay sheegeen inuu gabay shaqadiisa.
Xubno shalay ku kulmay magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegeen in ay ka soo horjeedaan Mooshinka Shariif Xasan, waxayna sheegeen xilligan in aysan suuragal aheyn Ololaha Mooshinka la xiriira ee ay wadaan xildhibaano kale oo ka tirsan Mamulkaas.
Xildhibaan Xasan Macalin Iidow (Xasan Blackh) oo ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo la hadlay Idaacadda Risaala xildhibaanada Baydhabo ku kulmay in ay tiro ahaan gaarayaan 50, kana soo horjeedaan Mooshinka.
Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa 22-kii bishii ina dhaaftay magaalada Baydhabo ka furay Kalfadhiga 4-aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.



