Somaliland oo Warqad soo qabasho ah u jartay Wariye Coldoon

Maamulka Somaliland ayaa ku dhawaaqay in ay jareen Warqad soo qabasho ah wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon oo ka mid ah Wariyeyaasha Soomaalida, waxaana uu ku sugan yahay Magaalada Burco.

Coldoon ayaa dhowr jeer waxaa xabsiga dhigay maamulka Somaliland, waxaana ay ku eedeeyeen in uu gacan saar la leeyahay dowladda dhexe ee Soomaaliya  iyo dowlad degaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya.

Axmed Aw Cali Shabeel taliyaha ciidanka booliska ee gobolka Togdheer  ayaa sheegay in wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon loo heysto eedeymo kala duwan, islamarkaana laga dalbaday  in uu sharciga hor yimaado.

“Warqadaas aan imika garaacayey waa waaran maxkamadeed, Hargeysa ayaa laga soo diray oo gudoomiyaha maxkamada gobolka Togdheer ayaa la soo mariyey, isaguna waxa uu yidhi soo qabta ninkaas.”ayuu yiri taliye Shabeel .

“Cabdimaalik waxyaabo badan ayuu galay mar Itoobiya ayuu tagayaa, mar soomaaliya ayuu tagayaa marna somaliland ayuu imanayaa waxa uu doonana wuu ku hadlayaa,madaxda sare ee dawlada somaliland ayaana eedaynaysa.” ayuu yiri taliye Shabeelle Markale.