Solskjaer oo doortay mid ka mid ah Koulibaly, Maguire, Varane iyo Alderweireld

Manchester United interim manager Ole Gunnar Solskjaer applauds on the touchline during the Premier League match at Old Trafford, Manchester.

Tan iyo suuqii xagaagii aynu kasoo gudubnay, waxaa Manchester United ay ku jirtay ole’ole ay ku baadi goobeyso difaac dhexe oo awood badan.

Liis difaacyo ah ayaa u diiwaan gashan maamulka Manchester, waxaana hadda liiskaas kusoo biirray difaaca Real Madrid ee Raphael Varane, kaasoo lagu soo warramayo inuu doonayo ka tegista Santiago Bernabeu.

Toby Alderweireld, Harry Maguire iyo Khalidou Koulibaly ayaa horraan ku jiray xiddigaha ay United dooneyso.

Si kastaba ha ahaatee, maamulka Red Devils waxaa hor yaalla in marka hore ay u sameeyaan kooxdooda tababare joogto, xilli Ole Gunnar Solskjaer uu hadda u dhowyahay in shaqadaas si rasmi ah loogu magacaabo.

Macallinka reer Norway ayaana door bidaya keliya hal ka mid ah xiddigahaas, waxaana isaga dookhiisa ah xiddigga Leicester City ee Maguire.

Laacibkan wacdaraha kasoo dhigay Koobkii Adduunka ee Russia ka dhacay sanaddii hore ayaa waxa uu ku jiraa qaab ciyaareed heer sare ah.

Solskjaer ayaana ku bogaadinaya madaxa fulinta United ee Ed Woodward inuu lasoo saxiixdo difaaca reer England.