Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Soomaliland Cumar Cali Cabdillaahi ayaa ka warbixiyay halka uu marayo xanuunka COVID-19 oo ku faafay degaanada Soomaliland iyo qaadashada Talaalka ka hortaga Covid-19.
Wasiirku waxa uu sheegay bilihii la soo dhaafay uu kor u kac sameeyay xanuunka covid-19 tirada laga helay & Tirada dhimashada intaba, waxaana uu soo bandhigay bishan aynu ku jirno ee Abril tirada laga baaray, inta laga helay & inta u dhimatay xanuunka COVID-19 .
Wasiir Cumar ayaa sheegay in la baaray 5,779 qof balse cudurka laga helay 920 Ruux halka Cudurka ay u dhinteen 95 qof, iyad aoo Bishii hore dhimashada ay aheyd 107 qof oo ku kala sugan dhamaan degaannada Soomaliland.



