Somaliland oo martigelinaysa Shirka dalalka aan la aqoonsan

Wafdi ka socda dalalka aan la aqoonsan ee ku yaalla Caalamka ayaa gaaray Magaalada Hargeysa ee Caasimadda Somaliland, waxaana ay halkaasi kulamo kala duwan kula qaateen Mas’uuliyiinta Somaliland.

Wafdiggaan ayaa ka socday Ururka lagu Magacaabo CONIFA oo ay ku mideysan yihiin dalalka aan wali helin aqoonsiga, waxaana ay sheegeen in Magaalada Hargeysa lagu qaban doono dhawaan Cayaaraha dalalka aan la aqoonsan iyo sidoo kale Shir.

Mas’uuliyiinta Somaliland ayaa wafdiggaan maanta geeyay meelo ka mid ah goobaha loo diyaariyay in lagu qabto Shirka iyo sidoo kale Cayaaraha.

Duqa Magaalada Hargeysa ayaa warbaahinta u sheegay in uu si weyn ugu faraxsan yahay tilaabadda ay qaadeen dalalka aan la aqoonsan, islamarkaana ay farxad galin doonto Shirkaasi iyo Goobka ciyaaraha ee dalalkaasi aan wali la aqoonsan lagu qabto Hargeysa.