Shirkaddaha diyaaradaha ee gaarka loo leeyahay ee dalalka UK, Singapore iyo Nigeria ayaa sheegay iney hakiyeen heshiis ay la galeen shirkadda Boeing oo ay diyaarado kaga soo iibsan lahayeen.
Dowladda UK ayaa ku dhawaaqay in ay joojisay Isticmaalka Diyaaraddaha Shirkadda Boeing.
Shirkadda Air Peace ayaa dalbatay 10 diyaaradood oo cusub uu noocoodu yahay Boeing 737 Max 8.
Warmurtiyeeed qoraal ah oo ay shirkadda soo saartay ayay ku sheegtay heshiiska wax kala iibsiga ee ay shirkadda Boeing la galeen inuu weli marayo naqshadeyn iyo qaabeynta balse ma sheegin in gabi ahaanba hesiiska ay shirkadda ka noqotay iyo inkale.
Waxay shirkadda Air peace intaaa ku dartay iney kalsooni badan ay ku qabin shirkadda Boeing iyo shirkadaha diyaaradaha ee kalaba natiijada ay ka soo saarayaan baaritaanka lagu sameeynayo diyaaradaha Boeing 737 Max 8.
157 qof ee ku dhimatay shilki diyaaradeed ee Axaddi ka dhacay dalka Itoobiya waxaa ka mid ah aqoonyahan Kanada ka soo jeeda oo ku dhashay dalka Nigeria.