Somali-Maraykan lagu eedeeyey inuu Daacish u furi lahaa wado cusub

Mid ka mid  ah raggii lagu soo oogay in ay qorsheynaayeen  in ay ku biiraan kooxda Daacish ayaa sheegay in uu waday qorsho cusub oo lagu furaayo waddo ay maraan dadka jihaadi-doonka ah.

Guuleed Cali Cumar ayaa la sheegay in uu saraakiil ka tirsan kooxda Daacish uu kala hadlay arinta ku aadan marinka cusub ay marayaan dadka doonaya in ay ku biiraan kooxda ISI.

Guuleed ayaa  sheegay inuu doonayey inuu furo khadka isku xira Syria iyo Maraykanka, iyadoo la soo marayo dalka maksiko.

Qaar ka mid ah dacwad oogayaasha ayaa  sheegay in ay doonayaan in ay soo bandhigeen dacwada guleed bisha fooda nagu soo haysa ee May markaas oo lagu balansanyahay in dib loo furo dacwada eedeeysanayaasha Soomaaliyeed.

Saraakiisha dambi baarista Maraykanka waxay sheegeen in ay baarayaan dhalinyaro badan oo ku xiran dalka Maraykanka kuwasoo looga shaki sanyahay in ay qorshaynayeen in ay ku biiraan Kooxda Daacish.