Sirdoonka Maraykanka oo kaalin ku lahaa xiridda Mandela

Basaas u shaqeyn jiray laanta sirdoonka mareykanka,CIA ayaa qirtay in xog uu siiyay booliiska Koonfur Afrika ee xilligii cadaanku dalka xukumay ay horseeday in la xiro Nelson Mandela oo uu 27 sano ku jiray jeelka.

Arrinta oo uu daboolka ka qaaday wargayska Sunday Times, wax yar uun ka hor dhimashadii Donald Rickard oo sirdoonka Mareykanka ka tirsanaa waxay xaqiijineysaa shakigii mudada dheer laga qabay in sirdoonka Maraykanku uu ku raadjoogay Mandela oo markii dambe noqday madaxweynihii ugu horeeyay ee Madaw ah ee dalka south africa..

arrintani waxay dhacday habeen madaw,sanadkii 1962-dii, markii booliisku uu jidgooyo dhigtay oo uu joojiyey gaarigii Mandela oo noqday maxbuuskii ugu caansan adduunka,ee reer galbeedku u arkayeen nin argagixso ah,oo halis ku ah danahooda.

Basaaskii CIA Donald Rickard oo geeriyooday 2013 marnaba si cad loolama xiriirinin hay’adda sirdoonka ee CIA, balse dalka Koonfur Afrika,waayo markii uu ka shaqeynayey Koonfur Afrika wuxuu ahaa dublamaasi,wuxuuna shaqadii ka fariistay dhamaaadkii todobaatameeyadii.