DHAGEYSO: Saraakiisha dowladda “waan dardar gelin doonaa howlgallada Buulaburde”

Buulaburde-RisaalaFM- Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii udambeeyay waxa ay howlgallo ka dhan ah ururka Al-shabaab ay ka wadeen degmada Buulaburde ee gobolka Hiiraan.

Taliye ku xigeenka ciidanka dowladda Soomaaliya Axmed Faarax Cabdullue oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in aysan hakin doonin howlgallada Al-shabaab looga saarayo deegaanada Buulaburde.

Waxa uu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee qeybta ka ah howlgallada Soomaaliya ay diyaar u yihiin sidii Al-shabaab ay uga saari lahaayeen degmada Buulaburde.

Ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa dhowaan waxa ay duleedka degmada Buulaburde kula dagaalameen ururka Al-shabaab, waxaana dagaalkaas uu geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.