Shirweynahan maanta ka furmay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga ayaa ugu yeeray wadamada Ururka Islaamka xubnaha ka ah inay u howlgalaan sidii ay safaarado uga furan lahaayen Soomaaliya.
Shirweynaha wadamada Islaamka ee Istanbuul oo ah kii 13-aad ayna ka qeyb galayaan in ka badan 30 Madaxweyne iyo Ra’iisul wasaarayaal sidoo kale gudoomiyeyaal baarlamaan ayaa rajeynaya in furitaanka safaaradahaas dowladaha Islaamka ee Soomaaliya ay dowr weyn ka qaadan doonaan sii xoojinta xiriirka Soomaaliya iyo dalalka xubnaha ka ah Ururka iskaashiga Islaamka siiba arrimaha la xiriira mustaqbalka Soomaaliya inay dowr muuqda ka ciyaaraan.
Wakaalada Wararka Islaamka LINA oo warkan soo warisay ayaa sheegtay in shirweynahan uu dib u cusbeynsiin doono taageeridiisa nooc walba ah dadaalka ay iminka wado xukuumada Somaliya kaasi oo salka ku haya xaqiijinta danaha Somaliya iyo sidii dalka Somaliya looga aslixin lahaa nabadgelyo taam ah.
Wakaaladu waxay intaa raacisay in shirweynaha wadamada xubnaha ka ah Ururka iskaashiga Islaamka oo maanta ka furmay Istanbuul uu sii xoojin doonaan canbaareynta falalka argagixisada Alshabaab ka wado Somaliya iyo guud ahaanba wadamada la jaarka siiba mantiqada Geeska Afrika.
Shirweynaha kan xiga ee 14-aad ee Ururka iskaashiga Ismaamka ayaa la isku raacay in lagu qabto dalka Gambia sanadka 2018ka.


