Shirka Madasha Wadatashiga hoggaamiyeyaasha Qaranka oo ay ku mideysan yihiin hoggaanka dowladda Dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira oo maalmihii la soo dhaafay ka socday magaalada Muqdisho ayaa maanta ugu dambeyntii waxaa lagu wadaa in la soo afjaro in sida ay xalay shaacisay madaxtooyada Soomaaliya.
Shirka Madasha Wadatashiga ayaa intii uu ka socday Muqdisho waxaa la isku afgartay qodobo dhowr ah oo ay ka mid yihiin .
meel marinta miisaaniyadda doorashada, hannaanka mataaladda Aqalka Sare ee gobolka Banaadir, iyo xubnaha ka iman doona beelaha ka soo jeeda Somaliland.
Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Maxamed Cumar Carte iyo madaxda dowlad goboleedyada dalka ka dhisan.
Gabagabada shirka ayaa la filayaa in si rasmi ah loogu dhawaaqo waqtiga ay dhacayaan doorashooyinka dalka Soomaaliya.


