Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay la kulmay taliyeyaasha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM Waxa uuna kala hadlay suggitaanka amnig xiliga doorashada iyo sidoo kale dagaalka ka dhanka ah Ururka Al-Shabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in ciidamada xoogga dalka iyo AMISOM looga baahan yahay in ay sugaan ammaanka Goobaha ay doorashada ka dhici doonto, si looga hortago iskuday kasta oo lagu dhibaateynaayo ammaanka xiliga doorashada.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa faray saraakiisha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed in ay xoojiyaan la dagaalanka Al-Shabaab.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in bisha Septembar ay martigalindoonto Soomaaliya Shir Madaxeedka IGAD Waxuuna Xusay in lagu qiimeyn doono Xaaladda Ammaanka iyo isabadalka dhinaca horumarka ee ay ku tallaabsatay Soomaaliya.



