Beydhabo-RisaalaFM- Magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa maalinkii 2-aad ka socda shirka Madasha Wadatashiga Qaran kaas oo looga hadlayo arimaha Doorashada iyo waliba dhameystirka isbedelka la doonayo in sanadkan uu dalka ka hirgalo.
Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay Madasha ayaa sheegay in shirkan ay wax wanaagsan ka soo bixi doonaan sidoo kalena shirka diirada lagu saari doono in Musuq maasuq uusan dhicin xilliga kala guurka.
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday in aysan markale dhici doonin kala aragti duwanaansho iyo khilaaf soo kala dhexgala Madaxda dowladda.
Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana amaanka iska kaashanaya ciidanka Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM.
Shirkan Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa horay waxaa loogu soo qabtay Magaalooyin ka tirsan Soomaaliya sida Magaalada Muqdisho, Garoowe, iyo Kismaayo.


