DHAGEYSO: Madaxweynaha “Cabsi lagama qabo in Musuq maasuq ay ka dhacdo Doorashada”

Beydhabo-RisaalaFM- Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay inaan marnaba cabsi laga qabin in ay dhacdo Musuq maasuq xilliga kala guurka maadaama dowladda waqtiga u haray uu gaba gabo yahay.

Madaxweyne Xasan ayaa sheegay in dowladdiisa aysan ogolaan doonin in Musuq maamsuq lagu sameeyo xafiisyada kala guurka, laakiin waxa uu sheegay in rajo wanaagsan laga qabo dalka in isbedel uu ka dhaco.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday in aysan markale dhici doonin kala aragti duwanaansho iyo khilaaf soo kala dhexgala Madaxda dowladda.

Ugu dambeyntiina Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa aragti wanaagsan ka muujiyay shirka Madasha Wadatashiga Qaran ee ka socda magaalada Beydhabo.

Magaalada Beydhabo ee gobolka Baay ayaa shalay waxaa ka furmay shirka Madasha Wadatashiga Qaran kaaas oo looga hadlayo Doorashada sanadkan la filayo in dalka ay ka dhacdo.