DHAGEYSO: Shirka Madasha Qaran oo ka furmay magaalada Beydhabo

Beydhabo-RisaalaFM- Magaalada Beydhabo ee xarunta gobolka Baay waxaa goor dhow si rasmi ah kaga furmay shirka Madasha Wadatashiga Qaran kaas oo looga hadlayo arimaha Doorashada iyo waliba dhameystirka isbedelka la doonayo in sanadkan uu dalka ka hirgalo.

Magaalada Beydhabo waxaa maanta gaaray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Soomaaliya, Madaxweynaha maamulka Puntland, Madaxweynaha Galmudug, Madaxweynaha Jubbaland iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Ammaanka Magaalada Baydhabo ayaa si weyn loo adkeeyay, waxaana amaanka iska kaashanaya ciidanka Koonfur Galbeed iyo kuwa AMISOM.

Afhayeenka Madaxtooyada Soomaaliya Daa’uud Aweys oo warbaahinta kula hadlay magaalada Beydhabo ayaa sheegay in shirkan diirada lagu saari doono diyaar garowga Doorashada 2016-ka iyo waliba dhameystirka isbedelka la doonayo in sanadkan uu dalka ka hirgalo.

Shirkan Madasha Wadatashiga Qaranka ayaa horay waxaa loogu soo qabtay Magaalooyin ka tirsan Soomaaliya sida Magaalada Muqdisho, Garoowe, iyo Kismaayo.