Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran oo maanta ka furmaya Muqdisho

Sida uu qorshuhu yahay waxa maanta lagu wadaa in uu si rasmi ah xarunta Afisyoone uu uga furmo Shirka Gollaha Wadatashiga Qaran oo uu isugu yeeray Ra’isul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Shirkaan ayaa looga arinsan doono howlaha dhameystirka doorashooyinka iyo sidii horey loogu socon lahaa.

Shirka ayaa waxaa kawada qeybgalaya Madaxweynayaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Dhammaan Madaxda maamulada ayaa ku sugan Muqdisho marka laga reebo Madaxweynaha  Puntland oo lagu waddo in uu soo gaaro Saacaddaha soo socda.

Shirkaan ayaa la aaminsan yahay in dooda ugu badan ee hareyn doontaa in noqon doonto habraaca doorashada Golaha Shacabka.