Wasaradda duulista hawada xukuumadda Soomaaliya ayaa beenisay warar Saacaddihii lasoo dhaafay soo baxayay oo ku aadana in shaqo joojin lagu sameeyay qaar ka mid ah duulimaadyada caalamiga ah ee Hargeysa tagi jiray.
War kasoo baxay Wasaaradda ayaa lagu sheegay in aysan jrin amar ay bixisay Wasaaradda.
“Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay ay ummadda Soomaaliyeed u caddaynaysaa in aanu jirin habayaraatee amar ka soo baxay Wasaaradda Gaadiidka Iyo Duulista Hawada DFS, kaas oo dalka lagaga joojiyay Shirkadaha Diyaaradaha ee Fly Dubai Iyo Air Arabia” ayaa lagu yiri warka kasoo baxay Wasaaradda.
Wasaaradda ayaa digniin u dirtay dad ay sheegtay in ay ka faafiyeen warar been abuur ah.
“Wasaaradda Gadiidka iyo Duulista Hawada Dowladda Federaalka Soomaaliya, waxay uga digaysaa dadka iyo Warbaahinta wararkaas been abuurka ah faafinaya inay joojiyaan wararkaas beenta ah ee ay bulshada Soomaaliyeed ku majara habaabinayaan”



