Shir muhiim ah oo ka furmay dalka Shiinaha

Madaxda dalalka ugu dhaqaalaha Roon aduunka ayaa magaalada Hanjuu ee dalka Shiinaha u jooga shirkooda sanad laha ah ee G-20.

Xaaladda dhaqaale ee caalamka ayaa noqon doonta arrinta ugu muhiimsan ee ay hogaamiyeyaashani ka wada hadli doonaan.

Maalinta ugu horreeysa shirkan ayaa waddamada ka qayb galaya waxa ay yeelanayaan kulamo gooni gooni ah oo ay uga wada hadlayaan iskaashiga ka dhaxeeya.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Ban Ki-moon ayaa sheegay in ay muhiim tahay in sare loo qaado dhaqaalaha Caalamka.