Shir looga hadlayo Maalgashiga & Ganacsiga Soomaaliya oo Turkiga ka furmayo

Shirkaan ayaa waxaa looga hadlayaa ganacsiga Soomaaliya wuxuuna maanta ka furmayaa magaalada Istanbul ee dalka Turkiga.

Waxaa shirkaan ka qaybgalaya ganacsato badan oo Soomaaliyeed iyo ganacsato u dhalatay dalka Turkiga, sidoo kale waxaa shirkaan lagu casuumay maalqabaneeno kale iyo madax badan.

Waxaa shirkaan si gaar ah looga hadli doonaa ganacsiga Soomaaliya iyo sidii Soomaaliya loo maalgashan lahaa.

Wasiirka Ganacsiga ee dowlada Federaalka Soomaaliya oo gaaray magaalada Istanbul ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay shirkaan, wuxuuna sidoo kale sheegay dadka Soomaalida inuu macno wayn u samaynayo.

Waxaa la filayaa shirkaan in laga soo saaro qodobo muhiim ay oo ay ka midyihiin sidii loo sii xoogin lahaa ganacsiga iyo maalgashiga Soomaaliya gaar ahaan kaalinta Turkiga.

Ganacsatada Turkiga ayaa saamayn badan ku leh ganacsiga Soomaaliya waxaana jiray mudooyinkii danbe xiriir wayn oo ka dhaxeeyay labada dal oo xaga ganacsiga ah.