Shil looga hadlayay la dagaalnaka Alshabaab oo ka dhacay Dhuusamareeb

Madaxweyne kuxigeen Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa guddomiyay Shir lagu dardargalinayo Howlgalada ka dhanka  ah Xubnaha Alshabaab ee  ku sugan qaybo ka mid ah Galmudug.

Shirkaan oo ay ka so qaybgaleen Saraakisha Ciidamada kala duwan ee Qaranka iyo kuwa Galmudug ayaa lagu so dhaweeyay hormarada baxaada leh ee Ciidamada  Xoogga , Darwiishta Galmudug iyo Ciidanka Deeganka ay ka sameyeen  Dagaalada  ka dhanka ah Alshabaab .

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo Shirkaan ka hadlay ayaa waxaa uu sheegay in Alshabaab  looga adkaaday  Dagaaladii ugu danbeyay ee Galmudug ka dhacay waxana u faray Ciidamada in ay sii laba jibaaraan la dagaalanka  Alshabaab .