Wararka naga soo gaaraya Duleedka Magaalada Baydhabo ayaa waxa ay sheegayaan in dagaalyahano ka tirsan Al-Shabaab ay Afduubteen Shaqaallo ka shaqeynaayay Hay’ad Samafal.
Tiradda Shaqaalaha ayaa lagu sheegay 6 qof, waxaana xilli la afduubanaayay ay qeybinaayeen cunto Nafaqeysan.
Degaanka Garas mooshin oo qiyaastii 20 KM dhinaca Koonfureed kaga beegan magaalada Baydhabo ee Xarunta gobalka Baay ayaa laga Afduubtay Shaqaalahaasi.
Waxa ay ka shaqeynaayay Hay’ad Maxali ah oo lagu magacaabo Kareedo sida ay inoo xaqiijiyeen dadka degaanka.
Dadka degaanka waxa ay sheegeen in shaqaalahaasi oo dhammaantood Soomaali ah in ay Afduubteen Al-Shabaab.


