Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Maxamed Xaashi Cabdi ayaa gaaray degaano ku yaalla Bariga gobolka Mudug.
Wafdiga Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa ka mid ahaa Wasiiro iyo Xildhibaano.
Waxaa uu la kulmay qeybaha kala duwan ee bulshadda, isagoona ugu baaqay in ay shaqeyaan Nabadda.
Degaanada uu gaaray Madaxweyne ku xigeenka ayaa inta badan waxaa ka dhaca Weeraro dhexmara Maleeshiyaad kasoo kala jeeda maamulada Puntland iyo Galmudug.



