Gaari ay saarnaayeen Ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Miino kula kacday inta u dhaxeysa Degmada Balcad iyo degaanka gololeey ee Gobolka Sh/Dhexe.
5 Askari ayaa la sheegay in ay ku dhinteen sidoo kale ciidamo kale ay ku dhaawacmeen qaraxaasi miino ee ciiidamada lala eegtay.
Sidoo kale waxaa burbur soo gaaray gaarigii ay wateen ciidamada ee miinadu la kacday.
Ma jiro wax war ahoo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/dhexe ee ku saabsan weerarkan loo adeegsaday miinada oo ka dhacay gobolka Sh/dhexe.
War ka soo baxay Al-Shabaab ayaa lagu sheegay in Ciidamo ka tirsan dowladda lagu laayay inta u dhaxeysa Degmada Balcad iyo degaanka gololeey ee Gobolk Sh/Dhexe.



