Toogasho ka dhacday Mareykanka

Booliska gobolka Texes ee dalka Maraykanka ayaa toogasho ku dilay nin Todobo qof ku dilay goob xaflad ay ka socotay.

Toogashada ayaa ka dhacday degaanka Plano,ee waqooyiga Dallas,dadka ka agdhawaa goobta ayaa warbaahinta gudaha u sheegay in ay maqleen xabad ka dhacaysa goobta ay xafladda ay ka socotay.

David Tilley, oo ah afhayeenka Booliiska Plano, ayaa sheegay in sarkaalkii ugu horreeyay in uu dilay ruuxa weerarka soo qaaday ka dib markii ay  is-dhaafsadeen rasaas.

Waxa uu intaa ku daray in dadkii weerarkaa ku dhaawacmay loo qaaday goobaha caafimaadka,isla markaana lagu daweenayo halkaasi.

Ma jirto ilaa hadda koox ama cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaa dadka lagu dilay ee ka dhacay Gobolka Texes ee dalka Maraykanka.