Wararka naga soo gaaraya degmada Eyl ee gobolka Nugaal ayaa waxaa ay kusoo waramayaan in ciidamada Ammaanka maamulka Puntland ay gacanta kusoo dhigeen dooni ay saarnaayeen 12 shaqaale oo u dhashay dalka Yemen taasoo kalluumeysi sharci daro ah ka waday degaanada maamulka Puntland.
Doontaan ayaa la sheegay in ay habeen Hore ay dulmartay Laash ay la haayeen Ganacsato Soomaaliyeed , islamarkaana ay dhibaato gaarsiisay.
Doonida ayaa lagu haya tuulada Maraya oo ka mid ah tuulooyinka hoos yimada degmada Eyl ee gobolka Nugaal sida ay Risaala u sheegeen dadka degaanka.
Bilihii lasoo dhaafay ayaa waxaa sare u kacay Kalluumeysiga sharci darada ah ee xeebaha Soomaaliya ay ka geysanayaan Maraakiibta iyo sidoo kale doonyaha laga leeyahay dalka Yemen.


