Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa ka hadlay isku shaandheynta uu doonaayo in uu ku sameeyo xukuumadiisa.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in isbadelka lagu sameynaayo xukumaadiisa uu dhici doono waqtiga ku haboon laakiin uusan hadda shaacin karin, islamarkaana ay bulshada kunool degaanada maamulka Puntland ay wada dareemi doonaan isbadelkaasi.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in wararka Suuqa ay isla dhexmarayaan Bulshada aysan waxba ka jirin, tasoo ah in uu ku fashilmay hoggaaminta.
Madaxweyne Gaas ayaa sidoo kale tilmaamay in dhawaan lala xisaabti doono golaha Wasiirada maamulka Puntland oo lagu eedeeyay waxqabad xumo.



