Ciidamada Booliska Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa ku dhawaaqay shaqo joojin ka dib markii ay sheegeen in aysan wax mushaar ah qaadan bilooyinkii lasoo dhaafay.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliska Magaalada Cadaado Cumar Macalin ayaa Risaala u sheegay in xabsiyada Magaalada Cadaado in ay ku jiraan Maxaabiis kala duwan ayna baneeyeen ciidamada Booliska oo ilaalin jirin.
Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in Suggitaanka Amniga in ay joojiyeen ciidamada Booliska , islamarkaana Madaxda dowladda Soomaaliya ay dayaceen ciidamada booliska Magaalada Cadaado.
Waxaa uu ugu baaqay madaxda dowladda in ay si deg deg ah ay u bixiyaan Mushaarka ciidamada Booliska Cadaado.


