Shan rikoor oo ay sameysay guushii Barcelona

Naadiga Barcelona ayaa iska xaadiriyeen wareega 8-aad Champion-ka ayagoo si xarago ku dheehan cagta ku mariyeen kooxda Lyon kulan ka dhacay Camp Nou wareega 16-aad lugtiisa labaad waxayna Barca kusoo baxeen isku darka labada lug ee goolasha 5-1.

Barcelona 5-1 guusha ay Lyon kaga qaadatay waxaa goolasha u dhaliyeen Messi 2-gool, Pique, Coutinho iyo Dembele halka Lyon goolka qura uu u dhaliyay Tousart.

Haddab waxaan idiin heynaa 8-xaqiiqo oo muhiim ah ee lagu diiwaan galiyay Web-ka xiriirka kubada cagta Yurub (UEFA) iska leeyihiin kuna saabsan jabkii Barca u geesatay kooxda Lyon:

Xaqiiqada 1-aad: Barcelona wax guuldaro ah ma aysan la kulmin 30-kulan UEFA Champions League oo ay garoonkeeda Camp ku cayaartay waxayna jebiyeen ama dhaafeen rikooorkii Bayern Munich u yiilay intii u dhaxeesay Maarso 1998 ilaa April 2002.

Xaqiiqada 2-aad: Lionel Messi haatan wuxuu dhanka goolasha kala mid yahay Robert Lewandowski xili cayaareedkan ayagoo min 8-gool wada dhaliyeen.

Xaqiiqada 3-aad: Messi ayaa si la yaab leh garoonka Camp Nou ku dhaliyay 62-gool asigoo ku cayaaray 61-kulan!

Xaqiiqada 4-aad: Barcelona kaliya hal guuldaro ayay la kulantay 19-kulan ugu dambeesay UEFA Champions League cayaartay.

Xaqiiqada 5-aad: Barcelona ayaa guuleesatay 12-kulan wareega kulamada bug baxda ugu dambeesay oo ay garoonkeeda ku cayaartay 16-kulan ka mid ah lugta labaad.