SAWIRO: Taliyeyaasha Xoogga iyo Booliska oo kormeeray Ciidamo loo diyaariyey la-dagaalanka Shabaab

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Daahir Aadan Cilmi(Indha-Qarshe) oo uu wehlinayey taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed ayaa waxaa ay Maanta Kormeer ku tageen Taliska Guutada 11-aad qaybta 43-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka ee Gobolada Jubbooyinka.

Taliyaha Ciidanka xoogga dalka iyo Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed (Ameeriko) ayaa waxaa ay kulan gaar ah la qaateen Saraakiisha Ciidamada guutada qaad ee ku sugan Xeraha ay booqdeen, iyaga oo kala hadlay dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliye Indha-Qarshe ayaa Saraakiisha Ciidamada ugu baqaay inay u diyaar garoobaan dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab oo uu sheegay in uu dhawaan ka bilaaban doono gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka xoogga dalka ayaa la filayaa in uu booqdo Xerooyinka kale oo ciidamada xoogga dalka ku leeyihiin Gobolka Jubbada Hoose, iyaga oo saraakiisha Ciidamada kala hadli doono dardar gelinta dagaalka Shabaab looga saarayo deegaaanda ay kaga sugan yihiin Gobolada Jubbooyinka.