Shacabka ku nool Magaalada Garoowe ayaa soo dhaweeyay Heshiiskii Dekeda Boosaaso loogu wareejiyay Shirkadda DP World.
Shacabka ayaa ku amaanay Xildhibaanada Baarlamaanka Puntland go’aanka ay qaateen iyo sida wanaagsan oo ay wada ogol ugu codeeyeen Heshiiska.
Waxa ay tilmaameen in Shirkada la wareegtay Dekeda ay wax badan oo hormar ah ay ka sameyneyso Dekeda Magaalada Boosaaso.
Sidoo kale Shacabka ayaa tilmaamay in ay muhiim tahay in lala xisaabtamo Mas’uuliyiinta Shirkadda lagu wareejiyay dekedda Boosaaso.
Madaxweynaha Puntland ayaa heshiis uu la galay Shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Imaaraadka Carabta ku sheegay in Shirkadda lagu wareejiyay dekedda Boosaaso, waxaana arintaasi sidoo kale meelmariyay Xildhibaanada Puntland.


