DHAGEYSO: Diyaarado gargaar sida oo tagaya degaanada Galmudug

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in maalmaha soo socda in degaanada Galmudug ay tagi doonaan diyaarado.

Waxa uu sheegay in 2 diyaaradood ay tagayaan degaanada Galmudug isla markaana shacabka ay u geynayaan gargaar kala duwan.

Waxa uu xusay shacabka Galmudug  in ay yihiin dad dhibaateysan oo Colaad iyo abaaro isugu darsan tahay.

Madaxweyne Xaaf ayaa tilmaamay in ay wax badan u qabanayaan dadka dhibaateysan ee degaanada Galmudug ku nool.

Madaxweynaha ayaa horay u sheegay in Abaaro daran ay ka jiraan degaanada maamulka Galmudug, islamarkaana dadkii kunoolaa ay barakaceen.