Shabaab oo sheegtay inay la wareegeen Saldhigyo ay baneeyeen Ciidanka Dowladda

Wararka laga helayo deegaano hoostaga degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamo ka tirsan millateriga Soomaaliya ay isaga baxeen Xarumo ay ku lahaayeen Ceelka geeloow iyo Raaxooy oo ku dhow deegaanka Qalimow.

Deegaanka Qalimow oo 30km dhinaca Waqooyi ka xiga degmada Balcad ayaa ku yaalla bartamaha wadada xiriirisa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad,waxaana la sheegay in Ciidamadii ku sugnaa Aaga degaankaasi ay isaga baxeen.

Al-Shabaab oo ku sugnaa meel aan ka fogeen deegaanka Qalimow  ayaa waxaa ay sheegteen inay la wareegeen Saldhigyadii ay baneeyeen Ciidamada Dowladda ee Ceelka geeloow iyo Raaxooy.

Ilaa iyo lama oga sababaha ay ciidamada dowladda u baneeyeen deegaannada Ceelka geeloow iyo Raaxooy,ciidamadaas oo sugayay amniga wadada u dhaxeysa Magaalooyinka Jowhar iyo Balcad oo dhowr jeer weeraro kala duwan ay ka dhaceen.

Saraakiisha taliska qeybta 27aad ee Ciidamada xoogga dalka weli kama hadlin sababta ay Ciidamada saldhigyadaasi  u baneeyeen, iyada oo saldhigyo kale ay ku yaalaan degaannada kale sida Gololeey.