Shabaab oo shaaciyay magaca nin ka mid ahaa raggii isku qarxiyay weerarkii Xerada Kenya ee Kulbiyow

Ururka Al Shabaab ayaa soo bandhigay magaca iyo Qabiilka uu u dhashay nin ka mid ahaa raggii isku qarxiyay weerarkii qorsheysnaa ee Shabaab Jimcihii la soo dhaafay ay ku qaadeen Xerada ciidamada Kenya ee degaanka Kulbiyow ee Gobolka Jubbada hoose.

Shabaab ayaa magaca ninkaasi waxa ay ku sheegeen Feysal Yuusuf Aadan oo in muddo ah la shaqeyn jiray Sheekh Dulyadeyn oo Shabaab ka tirsanaa, kaasi oo lagu dilay howlgal gaar ah oo ka dhacay Jubbooyinka.

Idaacada Andalus ee ku hadasha afka Ururka Al Shabaab ayaa laga sii daayay Wareysi maqal ah oo laga qaaday, kaasi oo uu kaga hadlaayay taariiqdiisa, isaga oo sheegay muddo dheer inuu xabsi ku jiray.

Shabaab waxa ay sheegeen Feysal inuu u dhashay Beesha Mareexaan, gaar ahaana ka soo jeeda Degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo Koonfurta Soomaaliya.

Inkastoo Shabaab ay soo bandhigeen magaca iyo Qabiilka uu u dhashay nin ka mid ahaa raggii fuliyay weerarkii Kulbiyow, ayaa hadana Xukuumadda Kenya waxa ay sheegaysaa rag ka mid ahaa kuwii fuliyay weerarkaasi inay ku jireen kuwa u dhashay dalka Kenya iyo Tanzania.

Xoogaga Shabaab ayaa muddooyinkaan dambe bilaabay soo bandhigida magacyada shaqsiyaadka isku qarxiyay weerarada ay ka geystaan Soomaaliya.