Mudug-RisaalaFM- Sida ay xaqiijinayaan wararka aan ka heleyno Degaanka Ceel-huur oo ka tirsan Gobolka Mudug Dagaalyahanada ururka Al-shabaab ayaa la wareegay gacan ku heynta Degaankaasi.
Shabaabka oo wata Gaadiid fara badan ayaa gudaha u galay Degaanka Ceel-huur oo ka tirsan Gobolka Mudug, halkaasi oo dadkii joogay cabsi xoogan ay soo food saartay, halka Qoysaska qaarna ay bilaabeen in ay isaga barakacaan halkaasi.
Degaanka Ceel-huur ee Gobolka Mudug waa markii ugu horeysay oo ay qabsadaan Shabaabka, xilli maalmihii la soo dhaafay dhaq dhaqaaqyo Ciidan ay ka wadeen Degaanada ku xreen Gobolka Mudug.
Al-shabaabka la wareegay Degaanka Ceel-huur ayaa waxaa la sheegay in xoogooda ay ka ambabaxeen Degmada Xara-dheere ee Gobolka Mudug, halkaasi oo mudooyinkii u dambeeyay ay duulaan ku ahaayeen Ciidamada Galmudug oo kaashanaya Ciidamo ka tirsan kuwa Mareykanka.
Saraakiisha Maamulka Galmudug ayaa Risaala u sheegay in Ciidankooda ay ku baxayaan Degaanka Ceel-huur si ay Al-shabaab halkaasi uga saaraan.
Al-shabaab weli dhnakooda faah faahin kama aysan bixin la wareegida Degaanka Ceel-huur oo ka tirsan Gobolka Mudug.


