Puntland oo ka hadashay magacaabista R/wasaare Khayre

Garowe-RisaalaFM- Maamulka Puntland ayaa waxa ay ka hadleen Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo saacado u magacaaban xilkaasi, inkastoo uu sugaayo ansixinta Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa looga hadlay sida ay u aragto Puntland Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya.

“Puntland waxay si weyn ugu hambalyeynaysaa Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre oo maanta loo magacaabay xilka Raiisul Wasaaraha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya.” Ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay Puntland

Puntland ayaa u aragta Xasan Cali Khayre in uu ka soo bixi karo mas’uuliyadda loo igmaday, isagoo horay u soo qabtay arrimo badan oo xaga Bini’aadaninimada ah oo maanta Soomaaliya ay baahi badan u qabto.

Puntland waxa ay balan qaaday inay la shaqeyn doonto islamarkaana ay gacan siin doonto Ra’iisul Wasàraha jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre,waxayna ka rajaynaysaa ummada Soomaaliyed in si dhaw loola shaqeeyo.

Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo dadka aysan wax badan ka aqoonin, maadaama uu yahay nin ka yimid Qurbaha ayaa la sugayaa wuxuu kala kulmi doono Baarlamaanka Soomaaliya.