WAR DEG DEG AH:- Qarax lala eegtay AMISOM

J/Hoose-RisaalaFM- Wararka inaga soo gaaraya duleedka Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa waxa ay sheegaan in halkaasi Qarax Khasaare geystay lagula eegtay Kolonyo ka tirsan Ciidanka Kenya.

Qaraxan oo lala eegtay gaari ka mid ahaa Kolonyo Ciidamada AMISOM ah oo ka u socday Degmada Dhoobley ayaa nuuciisa waxa uu ahaa Miinada dhulka lagu Aaso, waxaana lagu qarxiyay degaanka Haawina oo ku yaalla duleedka Dhoobley.

Gaariga lala eegtay Qaraxa ee ay saarnaayeen Ciidanka Kenya ayaa waxaa ka dhashay khasaare, sida uu Risaala u sheegay Sarkaal ka tirsan maamulka Jubbaland oo ku sugan Magaalada Dhoobley.

Sarkaalkan oo ka gaabsaday inuu faah-faahin ka bixiyo Khasaaraha rasmiga ah ee Ciidamada Kenya ka soo gaaray qaraxaasi, ayaa wuxuu ku soo koobay kaliya inuu jiro Khasaare soo gaaray Ciidamada Kenya.

War Shabaabka ay ku soo qoreen baraha ay wararkooda ku faafiyaan ayay ku sheegteen Mas’uuliyada weerarkan, waxaana ay ku faaneen in gabi ahaanba uu bur buray gaarigii ay wateen Ciidamada Kenya.