Muqdisho-RisaalaFM- Shacabka ku nool Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ka hadleen Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya oo uu soo magacaabay Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo).
Waxa ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan Ra’iisul Wasaaraha cusub ee Soomaaliya, maadaama horey loogu farxay Farmaajo, hadana Ra’iisul Wasaare Khayre ay ka rajeynayaan in howshiisa ay u fududaan doonto.
Qaar ka tirsan shacabka Muqdisho oo la hadlay Risaala ayaa waxa ay sheegeen in Madaxweynaha uu in badan ka fiirsaday Ra’iisul Wasaaraha uu soo magacaabay, oo uu yahay nin aqoonyahan uu yahay.
Sidoo kale waxa ay sheegeen waxqabad in uu leeyahay Mudane Khayre, maadaama arrimaha Banni’aadanimada uu horey uga soo shaqeeyay, Soomaaliyana hada ay arrimahaasi u baahan tahay.
Ugu dambeyntii waxa ay ugu baaqeen in uu si hufan ula shaqeeyo Madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kalena uu ka fakaro danaha dalka, dadka iyo diinta, si loo gaaro guulo iyo hormar.


