Wararka ka imaanaaya Gobolka Mudug, ayaa waxay sheegayaan in Ururka Al Shabaab uu hawada ka saaray isgaarsiintii ka jirtay inta u dhaxeyso Degmooyinka Hobyo & Xarardheere Ee Gobolkaasi.
Mid ka mid ah waxgaradka deegaanka, ayaa waxaa uu sheegay in isgaarsiin la’aanta ka jirta halkaasi, ay saameysay bulshada deegaanka, ayna cabasho ka muujinayaan.
Wararka qaar ayaa sheegaya in ay jirto cabsi ku aadan in ay diyaarado duqeyn ka geystaan meelaha gobolka Mudug Shabaab ay ka joogaan.
Macluumaad badan lagama hayo waxa keenay in Shabaabku ay hawada ka saaraan isgaarsiintii degmooyinka Hobyo iyo Xarardheere.


