Dagaalkii Baledweyne oo joogsaday

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxa ay sheegayaan uu istaagay dagaalkii magaalada Baledweyne  ka socday maalmihii la soo dhaafay

Kudhawaad 4 qof meyd ah ayaa laga soo helay goobtii uu dagaalku ka socday ,waxaana la sheegaya in hada ay xaalado dagantahay.

Odayaasha dhaqanka gobolka Hiiraan ayaa maalmihii la soo dhaafay waday dadaal xoogan oo dagaalka lagu joojinaayo.