Magaalada Baledweyne ayaa wararku sheegayaan in weli dagaallo ka socdaan gudaha magaalada, iyadoo dadka ay la soo gudboonaatay cabsi iyo barakac ku aadan dagaalada aan joogsiga laheyn ee ka socda Baledweyne.
Maanta oo Sabti ah ayaa weli laga maqlayaa Xaafada Howlwadaag ee Magaalada Baledweyne dhawaqa rasaas ay isweydaarsanayaan Maleeshiyaadka ku dagaalamaya Magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan
Odayaasha Dhaqanka magaalada Baledweyne ayaa wada dadaal xoogan oo lagu joojinayo dagaalka.
Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlaayay dagaalada Magaalada Baledweyne, ayaa wuxuu sheegay in Dowladda ay aad uga xun tahay colaada u dhaxeysa labo beelood oo Gobolka wada dega.


