DHAGEYSO: Kulankii baarlamaanka oo dib u dhacay

kulankii Baarlamaanka dowladda Soomaaliya oo maanta looga hadli lahaa hanaanka doorashada 2016 ayaa dib u dhacay .

Gudoomiyaha baarlamaanka dowladda Soomaaliya Mudane Maxame Sheekh Cusman Jawaari oo kulanka furay ayaa ka codsaday xilidhinada baarlamaanka Soomaaliya in ay sugaan ilaa iyo maalinta Talaada ,maadaam uu sheegay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya in ay dalbateen guddiga loo xilsaaray turxaan bixinta qodobada ay ku heshiiyeen dowladda Soomaaliya iyo maamul goboleedyada in waqti dheeri ah lagu daro.

Kulanka baarlamaanka Soomaaliya oo looga hadlaayey  qorshaha xukuumada ee hanaanka doorashada ayaa la filaya in uu dib u furmo maalinta Talaada ah .