Sida ay inoo sheegeen Qaar ka mid ah Waxgaradka gobolka Hiiraan Al-Shabaab ayaa deegaanka Ceel Cali ku Gowracay 4 qof oo ay ku jiraan nabadoona si weyn looga yaqaanay deegaanka Ceel Cali ee gobolka Hiiraan.
Sidoo kale Waxaa la sheegaya in Al-Shabaab ay xireen ku dhawaad 50 qof oo ka mid ah dadka deegaanka , kuwaa soo lagu eedeeyay in xiriir la leeyihiin dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale ciidanka dowladda Itoobiya oo shalay ka baxay deegaanka Ceel Cali.
Al-Shabaab ayaa sheegtay in ay si buuxda u maamulaayaan gacanta heynta deegaanka ceel Cali ee gobolka Hiiraan ka dib markii ay shalay ay isaga baxeen ciidanka dowladda Soomaaliya iyo sidoo kale Ciidanka Dowladda Itoobiya ee qeybta ka ah howgalka Midowga Afrika.
Deegaanka Ceelcali ayaa ah deegaan muhiim ah waxaana uu magaalada Baledweyne u jiraa 75 km dhanka Galbeed.
Gudoomiyaha Deegaanka Ceel Cali ee gobolka Hiiraan Abiikar Yaroow Cumar oo la hadlay idaacadda Risaala ayaa sheegay in Shabaab ay xirxireen dadkii la shaqeyn jiray maamulkii Shalay ka baxay deegaanka Ceel Cali.


