DEG DEG: Dagaal ka socda deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud

Wararka naga soo gaaraya deegaanka Godinlabe ee oo ku dhow Magaalada Cadaado ayaa sheegaya in saaka ciidanka maamulka Galmudug ay weerar ku qaadeen Maleeshiyaad isbaarooyin dhigtay deegaanka Godinlabe.

Dagaal ayaa ah mid xoogan waxaana uu ka socdaa duleedka deegaanka Godinlabe ee gobolka Galgaduud.

Maleeshiyaadka isbaarooyinka dhigtay ayaa lagu soo waramaya in dadka ay qaadaan lacag aad u farabadan ,islamarkaana cabashooyin badan ay ka timid dadka shacabka ah.

Ciidanka maamulka Galmudug ayaa dhawaan dagaal ku qaaday isbaarooyin badan oo yaallay duleedka magaalada Gaalkacyo.